16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Shir ay Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ku yeelatay Dalka Mareykanka oo talo iyo taageero loogu soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, May 30, 2007(HOL): Waxaa lagu soo geba-gebeeyey Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka shir ay isugu yimaadeen xubno fara badan oo ka tirsan qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool Waqooyiga Mareykanka, kuwaasi oo asal ahaan ka soo jeeda Gobollada Bay, Bakool, Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose yo Gedo.

Shirka oo socday muddadii u dhexeysay 26 iyo 27-kii May 2007, ayaa waxaa looga dooday qodobo fara badan oo khuseeya Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Qowmiyadda Digil iyo Mirifle, waxaana dood dheer kadib ka soo baxay Shirkaas Qodobada hoos ku qoran:

Waxaan taageereynaa Dowladda KMG ah si loo xaqiijiyo soo celinta Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u aragnaa dhismaha Hay’adaha Dowliga ah in ay tahay arrin muhiim ah soona celin karta nabadgelyada guud ee Dalka. Sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in muhiimadda kowaad la siiyo dib u soo nooleynta hay’adaha aasaasiga ah sida:

Wasaaradaha iyo hay’adaha hoos yimaada,

Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ciidammada Boliiska

Ciidanka Asluubta iwm.

Waxaa muhiim ah, kuna adkeynaynaa Madaxda Dowladda inay ku dhaqmaan Axdiga KMG ah ee lagu dhisay iskana ilaaliyaan ku xad-gudub iyo awood sheegasho keeni karta burbur hor leh.

Annagoo tixgelinayno baaqyadii ka soo baxay Qarammada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika oo ku aaddan joogitaanka Ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya, waxaan ku baaqeyna in la soo dedejiyo Ciidammada ay ku yabooheen Dowladaha Afrika si ay u buuxiyaan kaalinta Ciidammada Ethiopia, loogana hortago in uu faraha ka baxo degganaanshaha iyo wada noolaanshaha dadweynaha Soomaaliyeed.

In awood-qeybsiga lagu heshiiyey shirkii Dib-u-heshiisiinta Kenya la dhowro, laguna dhaqmo layskana ilaaliyo sad-bursi iyo caddaalad darro.

Waxaa si buuxda u taageereynaa shirka dib–uheshiisiinta ee lagu baaqay, annago soo jeedinayno:

Inuu noqdo mid loo dhan yahay

Inuu isu keeno dadka wax kala tirsanayo

In qoraal lagu uruuriyo xad-gudubyadii loo geystay dadka aan hubeysneyn, lagana magdhabo macnawi ahaan iyo maaddi ahaanba.

Waxaan si buuxda u taageereynaa in dalka laga hirgeliyo hannaanka Federaaliga ah, lana dedejiyo hirgelintiisa. Qofka soomaaliga ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado, dego ama ka ganacsado meel kasta oo Dalka Soomaaliya ka mid ah, haseyeeshee maamulka iyo talada waxaa xaq u leh dadka asal ahaan u dhashay deegaanka markaas lagu wada nool yahay.

Waxaan soo dhoweynaynaa maamulka cusub ee loo dhisay gobolka Shabeellada Hoose, annagoo si buuxda u taageereyno xubnaha maamlka cusub oo aan hiil iyo hooba la garab taagan nahay. Waxaan si kulul u cambaareynaynaa beelaha aan u dhalan gobolka oo u doodaya inay maamulkaas qeyb ku yeeshaan.

Ugu dambeyntiinai waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeynaa in ay Jubbooyinka iyo Gedo ka hirgeliso maamullo ay leeyihiin dadka asal ahaan u dhashay Gobolladaas, si looga badbaado isku dhacyo iyo dhibaatooyin yimaada.

Xubnaha Qabanqaabada:

Malaaq Muqtaar Mohamed Aadan

Suldaan Ibraahim Caliyow Ibrow

Inj Geilani Sheikh Hussein

Sheiknor Abukar Qaasim




Shiikh Nuur Abuukar Qaasim
sheiknor@hotmail.com
Columbus, Ohio

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).