Talaado, May 29, 2007(HOL): Waxaa magaalada Muqdisho laga qaaday Meydka Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan Alle ha u naxariistee Marxuum Shiikh Maxamed Muuse Ducaale oo shalay lagu dilay Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Meydka marxuumka oo loo qaaday dhinaca Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in ay qaadistiisa ka dambeysay kadib codsi ka yimid Eheladiisa ku sugan magaalada Beledweyne, kuwaasi oo dalbaday in Meydka marxuumka halkaas lagu aaso.
Nin Bastoolad ku hubeysnaa oo aan la heyb aqoonsan ayaa marxuumka ku dilay Isgoyska Howl-Wadaag, xili uu ka soo baxay Suuqa Bakaaraha, iyadoo ninkaas gacan ku dhiiglaha ahna uu si caadi ah isaga dhexgalay dadka kadib markii uu dilka geystay.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid loo qabtay dilka Marxuumka, marka laga reebo in ay Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Howl-wadaag ay sheegeen in ay baarayaan dadkii ka dambeeyay Dilka Marxuumka. Isgoyska Howl-wadaag ayaa wuxuu noqday mid ay ku soo badanayaan dilalka, iyadoo halkaasina ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo awoodi la’ in ay ammaanka Isgoyskaas sugaan.
Dhanka kalena, Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa si weyn u cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Marxuum Sheekh Maxamed Muuse Ducaale, waxaana dowladda Federaalka ay u soo jeediyeen talooyin gaar ah.
Ururrada Bulshada Rayidka oo isku duuban ayaa waxay u soo jeediyeen dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoogga saarto inay ka difaacdo dadka aqoonta leh kooxo ay ku sheegeen inay yihiin canaasiir aan dan iyo heello ka lahayn shacabka iyo dalka Soomaaliya.
Xubno kala duwan oo ururradaan u hadlay ayaa waxay sheegeen in dilalka dadka aqoonta leh ee ka tirsan Dowladda uu curyaamin ku yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya loona baahan yahay inay ka digtoonaato, isla markaana ka hortagto waxa walba oo gumaadaya dadka aqoonta leh.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay soo qab-qabato kooxaha sida weyn uga dambeeyay dilka Sheekh Maxamed Muuse Ducaale oo ay ku sheegeen inuusan falka ku ekeyn ruuxa dilka geystay balse uu dhaafsiisan yahay loona baahan yahay inay dowladdu daba-gasho ayna soo qabqabto kuwaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






