17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay Isgoyska Black Sea

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 29, 2007(HOL): Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilka labadaas askarina uu ka dambeeyay nin Bastoolad ku hubeysnaa.

Labadan Askari ayaa la sheegay in uu si gaadmo ah u toogtay ninka dilkooda ka dambeeyay, waxayna labada askari xiligaasi ku sugnaayeen nawaaxiga Isgoyska Black Sea, halkaasi oo ay ka wadeen howllo ay u soo xil-saartay Dowladda Federaalka. Markii dilkaas dhacay kadib ayaa halkaasi waxaa tegay Ciidamo tiro oo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.

Dilalka loo geysanayo Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay ku soo beegmayaan xili ay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho la wareegtay Dowladda Federaalka, kadib dagaallo qaraar oo muddo bil ah ka socday, waxaana la sheegaa in ay dilalkan ka dambeeyaan Kooxihii ay Dowladda kala wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

Inta badan Askarta Dowladda Federaalka ee lagu dilo Magaalada Muqdisho ayaa dilkooda waxaa lagu tilmaamay mid ku yimid dayac ay Askarta qudhooda isku sameeyeen, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle. Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in aysan sahlaneyn in la dilo Askar hubeysan oo aad u digtoon, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Askar horay Muqdisho loogu dilay ay dadka dhexgaleen, isla markaana ay la macaamileen, taasina ay keentay in inta la dilay laga qaatay Qoryihii ay wateen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka lagu dilo Magaalada Muqdisho, waxaana dhowr Askari horay loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, xili ay ku mashquulsanaayeen howl lagu burburinayay Sandaqado iyo Dhismooyin si sharci darro ah uga sameysmay waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).