Isniin, May 28, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ka qeybgeleya xafladda lagu caleema-saarayo Madaxweynaha cusub ee Nigeria Alhaji Umar Yar’Adua, taasi oo dhici doonta Maalinta Berri ah.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho kadib markii uu wax ka furay Safaaradda Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu u hoggaamiyay dalka Nigeria wafdi ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, kuwaasi oo kala qeybgeli doona Xafladda lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Nigeria.
Socdaalka Ra’iisal Wasaare Geedi uu ku tegay Dalka Nigeria ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah leh, bacdamaa ay Nigeria ka mid tahay Dalalka sheegay in ay Ciidamada u dirayaan Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu Ra’iisal Wasaare Geedi kulan la qaato Madaxweynaha cusub ee Nigeria.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Geedi uu sidoo kale halkaasi kula kulmi doono madax badan oo ka tirsan Qaaradda Afrika, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo iyana Ciidamo u ballan-qaaday Soomaaliya.
Dowladaha Nigeria, Burundi, Malawi iyo Ghana ayaa ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya, inkastoo qaar ka mid ah dalalkaas ay sheegayaan in ay heysato dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo ka hor-taagan in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo shalay ka hadlayay furitaanka Safaarad ay Itoobiya ku yeelan doonto Soomaaliya ayaa wuxuu u mahadceliyay Dowladda Uganda oo uu sheegay in ay noqotay Dowladda kaliya ee Ciidamadeeda u soo dirta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Uganda ka soo baxday kaalinteeda ku aadan in ay wax ka soo celiso Nabaddii iyo Xasiloonidii Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






