17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ciidamo Boolis ah oo la dhigay Nawaaxiga Warshaddii Baastada kadib Qaraxyo halkaas ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 28, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la geeyay nawaaxiga Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho kadib markii habeennadii aynu ka soo gudubnay ay halkaasi ka dhacayeen Qaraxyo lala beegsanayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Xarunta Warshadda Baastada.

Xalay iyo habeen hore ayaa labo Qarax oo xooggan waxaa lala beegsaday Xarunta Warshaddii Baastada, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo qaraxyadaas ka soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugan.

Kadib Qaraxii xalay ka dhacay Warshadda Baastada ayaa waxaa halkaas laga helay meydka labo nin oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo qeybo ka mid ah jirkooda ay rasaas ku taalay, waxaana la sheegay in Wiilashaas dhalinyarada ah ay haleeshay rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiyaanka kadib markii xalay Qaraxa lala beegsaday.

Nawaaxiga Warshadda Baastada ayaa habeennadii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay Qaraxyo xooggan oo inta badan dhaca inta u dhaxeysa Salaadaha Maqribta iyo Ceshasha, iyadoo aaney ilaa iyo haatan jirin cid loo qabtay Qaraxyadaas oo rasmi ahaan uga dambeysay.

Ka sii horna waxaa dhowr Qarax lala beegsaday Saldhigga Degmada Huriwaa, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, waxaana deegaanada hoos taga Degmadaas lagu soo rogay Bandow sabab la xiriirta Qaraxyada Saldhiggaas loo geystay.

Dadka ku dhaqan Degmada Huriwaa ayaa waxay sheegeen in Qaraxyada lala beegsaday Saldhigga Degmada iyo weliba kuwa kale ee ka dhaca Deegaanka ay ka dambeeyaan Dad aan deegaanka u dhalan, kuwaasi oo doonaya in aaney Degmadooda noqonin mid ammaan ah oo markaasina dadka deegaanka la cuna-qabateeyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).