17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ciidamada Booliska Degmada Kaaraan oo xalay toogtay Kooxo Burcad ah oo wax ku dhacayay Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 28, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xalay waxay toogteen kooxo Burcad ah oo soo labistay dharka Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dadka dhac u geysanayay.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Degmada Kaaraan ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Degmada Kaaraan lagu fashiliyay falal burcadnimo ah oo ay xaafado ka mid ah Degmada Kaaraan ka wadeen Kooxahaas Burcadda ah, kuwaasi oo qaar la dilay, qaar kalena gacanta lagu soo dhigay.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kooxahaas Burcadda ah oo afar Ruux ahaa la toogtay labo ka mid ah, halka mid uu baxsaday, mid kalena gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna intaas ku daray in ay ku raad-joogaan midka baxsaday.

Tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka la wareegeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxayay kooxo Burcad ah oo ku labisanayay Dharka Ciidamada, iyadoo dadka qaarkiisna ay xaqiijiyeen in ay Ciidamada Dowladda qudhooda ay ku kici jireen falal Burcadnimo ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho lagu wareejiyay Ciidamada Booliska, isla markaana laga wareejiyay Ciidamo tiro badan oo ay Dowladda Federaalka soo dhoobtay Waddooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haatan Magaalada dibadda looga saaray

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).