16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Wafdi Ka socda Xiriirka Soomaliyeed ee Kubada Cagta oo ka qeybgelaya Doorashada Guddoomiyaha FIFA

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, May 28, 2007(HOL): Waxaa Maanta uu shir uga furmay Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland Confederation AfricanFootball, waxaana Goobjoog ka ah Shirkaas Wafdi Seddex xubnood ah oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed Md. Saciid Maxamed Nuur (Muganbe), iyadoo ay xubno ka yihiin Ku xigeenkiisa Cali Saciid Guuleed iyo Xoghayaha Xiriirka Cabdi Saciid Carab.

Wafdigan ayaa wuxuu uga qeyb-gelayaa Guriga cusub ee FIFA ee magaalada Zurich ku yaala doorashada Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, taasi oo la filayo in uu ku guuleysan doono ninka haatan xilkaas haya ee Sapp Blater, iyadoo garbahiisa buuxin doonaan Micheal Platini iyo Frank Beckenbauer.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa haatan waxaa uu yahay mid kala qeybsan, iyadoo dhinac uu taagan yahay Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Muxyaddiin Darbaweyne, halka dhinaca kalena ay taagan yihiin Guddoomiyaha cusub Saciid Muganbe oo isagu ku qoran Bogga ay FIFA aqoonsiyada Xiriirrada Dalalka Adduunka.

Muxyaddiin Darba-weyne ayaa Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta loogu doortay Magaalada Baydhabo bartamihii Bishii May ee sanadkii 2006, hayeeshee waxaa dhawaan xilkaas ka qaaday Kooxihii Naadiyada ee horay u doortay, kuwaasi oo ku eedeeyay Guddoomiyaha in uu ku xadgudbay Axdiga u degsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda, isla markaana uu Lacago ka lunsaday Qasnadda Xiriirka.

Mustaf Bashiir Goob-doon
Somali Swiss Radio
gobdon@bluewin.ch

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).