16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Masar oo sheegtay in Diblumaasi uga xirnaa Magaalada Boosaaso la sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 27, 2007(HOL): Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa shaaca ka qaaday in la sii daayay oo xoriyaddiisi dib loogu soo celiyay Safiirka Dowladda Masar u qaabilsan Dalka Soomaaliya Mr. Saciid Mursi kadib maalmo uu ku xirnaa magaalada Boosaaso ee Gobolka W/Bari.

Diblumaasigan ayaa magaalada Boosaaso wuxuu u tegay in uu kala xaajoodo maamulka Puntland sidii loo sii deyn lahaa Kalluumeysato Masaari ah iyo Doomo ay wateen oo lagu qabtay Xeebaha Puntland, kuwaasi oo uu maamulka Puntland sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen Xeebaha Puntland.

Warkan oo ay sii deysay Idacaadda Codka Mareykanka (VOA) oo soo xiganeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa wuxuu intaas ku darayaa in sii deynta Kalluumeysatadii Masaarida ahayd lagu sii daayay lacag dhan 250,000 oo Doollar, hayeeshee waxaa markaas kadib la xayiray oo loo diiday in uu baxo Safiirka Masar ee Soomaaliya Mr. Saciid Mursi.

Maamul Goboleedka Puntland oo la dhisay dabayaaqadii Sagaashamaadkii ayaa wuxuu weli ka tirsan yahay Soomaaliya, walow uu yahay maamul leh Hay’ado Dastuuri ah oo u shaqeynaya sida Dowlad oo kale, wuxuuna leeyahay Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen, Gole Wasiirro iyo Gole Baarlamaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland oo ku saabsan warka ay sii deysay Dowladda Masar ee ku aadan in maamulka Puntland uu xiray Safiirkeeda Arrimaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).