16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax Xalay laga Maqlay Xarunta Warshaddii Baastada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 27, 2007(HOL): Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan oo xalay laga maqlay Xarunta Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Qaraxaas uu ahaa Bambo Gacmeed lagu tuuray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada, halka warar kalena ay sheegayaan in Qaraxa la maqlay uu ahaa mid ay sameeyeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay, waxaana saakay lagu arkayay iridka Xarunta Warshaddii Baastada Ciidamo Itoobiyaan ah oo iska fadhiya, kuwaasi oo aan wax dareen cabsiyeed ah qabin.

Qaraxa xalay laga maqlay Xarunta Warshaddii Baastada ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay subaxdii uu Agagaarka Isgoyska EX-Koontarool uu ka dhacay Qarax Miino oo la damacsanaa in lagu dilo ku xigeennada Duqa Magaalada Muqdisho ee kala ah Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur iyo C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey.

Sidoo kalena, habeen hore ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay seddex qarax oo ka kala dhacay Agagaarka Warshaddii Caanaha, Suuqa Xoolaha iyo Xaafad ka tirsan Degmada Xamar Ja-jab oo u dhow Dekedda Muqdisho, waxaana qaraxyadaas qaarkood lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadan ayaa waxay dhacayaan iyadoo sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho ay la wareegeen Ciidamo Boolis ah, halka Ciidamo tiro badan oo ay Dowladda horay u soo dhoobtay Waddooyinka Muqdishana laga saaray Magaalada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).