16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Maxamed Dheere oo ka digay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay iska labistaan Darajo aysan gaarin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 26, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta shaaca ka qaaday in aan la aqbali doonin in la iska soo labisto darajo Ciidan oo aan jirin, wuxuuna sheegay in ciddii lagu helo arrintaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Maxamed Dheere oo la hadlayay Ciidamada Ilaalinta Deegaanka Xamar ayaa sheegay in ciddii soo labisata darajo aysan horay u lahayn tallaabo sharci ah laga qaadi doono, “Waan heynaa Diiwaanka Saraakiisha iyo Ciidamada Soomaaliyeed, mana la ogolaan doono in xilal aan jirin la sheegto”ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray in ay beryahan soo baxayeen Rag ka tirsan Ciidamada oo sheeganaya xilal aysan gaarin.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waxaa uu u sheegay saraakiisha Ciidamada Ilaalinta Deegaanka in ay Ciidamada sii tababaraan, isagoo u ballanqaaday in ay dhawaan heli doonaan Aqoon kororsiyo iyo Xaqii ka maqnaa, wuxuuna dhinaca kale amar ku bixiyay in Ciidanka Ilaalinta Deegaanka laga saaro Askar rigada soo galay iyagoo aan labiskii Ciidamada qabin, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas jebiyeen shuruucda ay Ciidamada leeyihiin.

Markii ay burburtay Dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa soo baxayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya, kuwaasi oo sheeganaya Darajo aysan lahayn, taasi oo jaha wareer badan keentay.

Sidoo kalena, Dowlado dhowr ah oo Soomaaliya loo soo dhisay kadib Dowladdii hore ayaa waxay dalacsiin jireen Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in Dowladdii TNG-da ay Saraakiil Gaashaanleyaal ahaa gaarsiisay xilalka G/lle sare iyo Janaraal, halka Dowladdan Federaalka ay iyaduna sameysay Dalacsiin taas la mid ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Digniintan uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa waxay tahay mid haddii loo hoggaansamo yareyn karta is-barbaryaac ku yimaada Ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ciddii doonta ay noqon karto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).