Sabti, May 26, 2007(HOL): Ku xigeenada Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinacyada Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey iyo Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa saakay ka badbaaday isku-day Qarax oo lagu dili lahaa.
Labadan Mas’uul ayaa Miino loo geliyay Wadada Warshadaha, gaar ahaan meel u dhow Ex-Koontarool Balcad ayaaney wax dhibaato ah ka soo gaarin Miinadaas oo lagu hagayay Remote, sida uu sheegay C/fataax Ibraahim Shaaweey.
C/fataax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo qaraxaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan Qaraxaasi wax dhibaato ah ka soo gaarin, marka laga reebo wiil caseeye ah oo qaraxaas u geeriyooday iyo afar askari oo ka tirsanaa ilaaladii la socotay oo dhaawacantay , wuxuuna intaas ku daray in ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii Miinada qarxiyay.
Isku daygan lagu dili lahaa ku xigeenada Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor uu sidan oo kale ka badbaaday qarax lagu dili lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
C/fataax Shaaweey ayaa loo magacaabay xilkii uu Gobolka Banaadir ka hayay Aabihiis Ibraahim Shaaweey oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Miino Wadada loo dhigay, wuxuuna yahay Ninka ugu da’da yar Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen ilaa seddex qarax oo qaarkood lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qaraxyadanna ay ku soo beegmayaa xili ay sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho la waregeen Ciidamo Boolis ah oo la sheegay in ay anshax wanaagsan yihiin Ciidamo ay horay Dowladda Federaalka u soo dhoobtay Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






