Sabti, May 26, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacawday maamul uu yeelanayo Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo in muddo ah laga sugayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo lagu magacaabay Xubnaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka aqriyay Xaflad ka dhacday Hotelka Lafweyn Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan, wuxuuna maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose uu Ra’iisal Wasaare Geedi u magacaabay sidan:
Dr. C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka
C/llaahi Muuse Abuukar Ku xigeenka dhinaca Siyaasadda
Maxamed Ibraahim Xuseen Ku xigeenka Labaad
C/llaahi Cabdi Cumar Ku xigeenka Arrimaha Bulshada
Shiikh Sayid Shiikh Abbe Xoghayaha Gobolka
G/sare Aadan Xasan Cali Taliyaha Booliska Gobolka
G/lle Xasan Ibraahim Aadan Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka
G/le Maxamed Cali Maalin Taliyaha Ciidanka Asluubta
Dhamme Cabdi Nuur Shiikh Maxamed Taliye ku xigeenka Asluubta
Maamulka loo sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Gobolka ay ka soo cusboonaadeen falal nabadgelyo darro oo aad u daran, iyadoo wadada isku xirta Magaalooyinka Gobolkaas iyo Magaalada Muqdisho dad lagu dilay laguna dhacay.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa in muddo ah waxaa ka talinayay maamul uu guddoomiye ka ahaa Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), kaasi oo inta badan Degmooyinka Gobolka ka dhigay mid amni ah, walow ay dadka Gobolka ka cabanayeen lacag xad-dhaaf ah oo canshuur ahaan uu maamulkaas uga qaadi jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






