Jimco, May 25, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka waxay u dirtay Baaq ku saabsan in lagu gacan siiyo sidii ay ula dagaalami lahayd Kooxo Burcadeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaasha Xeebaha Soomaaliya.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa codsigan u jeediyay Beesha Caalamka, isagoo sheegay in xeebaha Soomaaliya ay noqdeen kuwo khatar ah oo aan lagu socdaali karin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah.
Safiirka waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si weyn uga walaacsan tahay af-duub xeebaha Soomaaliya loogu geystay labo Markab oo laga leeyahay Dalka Koofur Kuuriya iyo Markab kale oo laga leeyahay Dalka Taiwan, wuxuuna intaas ku daray inuu jiray weerar loo geystay Markab u kireysnaa Hay’adda WFP, kaasi oo raashin Mucaawino ah geeyay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Maxamed Cali Ameerika waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed wada hadallo la leedahay Odayaasha Deegaanada lagu heysto Maraakiibta lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in wada hadalladaas ay ka soo bixi doonto natiijo Maraakiibtaas lagu sii daayo.
Weerarrada ay kooxaha Burcad Badeedka ah ka geysanayaan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay joojiyeen Gargaar dhinaca Badda loo marsiin lahaa dad Kumaan Kun ah oo ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana weerarradaas si weyn uga cabaneysa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo iyadu dhowr Markab oo u kireysnaa af-duub loo geystay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






