15.1 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtay eedeyn uga timid Amnesty International

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 25, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay eedeyn ay u soo jeedisay Hay’adda Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, taasi oo ahayd in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku biirtay Liiska Dalalka Bariga Afrika ku yaala ee ku xad-gudba Xuquuqda Aadanaha.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in eedeynta uga timid Amnesty International ay tahay mid aaney waxba ka jirin oo dul-duleelo loogu yeelayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayuu Cabdi Xaaji Goob-doon sheegay in ay tahay mid curdan ah oo wax kasta hadda bilaabeysa, wuxuuna caddeeyay in aysan weli gaarin xili lagu soo eedeeyo xad-gudubyo ay gashay.

Warbixinta ay soo saartay Amnesty International ee lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid la doonayo in lagu qalajiyo laanta qoyan ee Dowladnimo ee haatan Soomaaliya ka jirta.

Wuxuu intaas ku daray Afhayeenka Dowladda Federaalka in ay waxba kama jiraan tahay in xabsiyo la isaga hayo dadka tuhunnada lagu soo qabto ee ay soo xiraan Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda horay u soo saartay amar ah in aan xabsi lagu heyn karin qof tuhun lagu soo qabtay wax ka badan 48 Saacadood.

Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay ee ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku sheegtay in la iska xiro dadka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo kuwa la tuhmo in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, sidoo kalena waxay xustay in dadka laga tirada badan yahay  lagula kaco wax ay ku tilmaantay isir-sooc iyo dhibaatooyin kale, tiiyoo aaney ka dalka Soomaaliya ka jirin sharci, kala dambeyn iyo Nidaam Cadaaladeed oo waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).