15.1 C
London
Thursday, November 6, 2025

Aqoonsi ku saabsan Kaalinta Ganacsatada kaga aadan Adeegyada Bulshada oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, May 24, 2007(HOL): Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban qaabisay Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD loogana hadlayay Kaalinta Ganacsatada Gobalka Hiiraan ee ku aadan adeegga Bulshada ayaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay magaalada B/weyn.

In ka badan 48 xubnood oo kawada tirsan qeybaha ganacsatada Gobalka Hiiraan iyo waliba qaar ka mid ah aqoon-yahanada ku dhaqan Gudaha gobalka oo ka qeyb galay Aqoon-isweydaarsiga ayaa ugu horeyntii inta aan la guda galin Qodobada Dooda waxaa Casharo ku saabsan wax-yaabaha looga baahan yahay Ganacsatada marka la eego dhinaca Shariicada Islaamka halkaa ka soo jeediyay Ustaad C/qaadir Ibraahim Magan (Kabtan) oo runtii si weyn ugu dheeraaday wax yaabaha shareecada islaamku ka qabto gacasiga iyo waliba Faa’iidada laga helayo marka gacasiga lagu dabaqo sida Shareecada ogashahay.

Intaas kadib ayeey ka qeyb-galyaashu guda galeen Qodobo muhiim ah oo siweyn loogu dheeraday kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, 1. Xaalada Ganacsiga Maata marka la bar bar dhigo kii shalay. 2. Caqabadaha la taaban karo ee hortaagan Ganacsiga Maata jira. 3. Fursadaha maata Ganacisigu heysto. 4. Qaabka Qaar ka mid ah Ganacsitadu u abuuraan Khilaafaadka una sii huryaan Colaadaha. 5. iyo waliba Kaalita Ganacsatada ee Arimaha Dib u hishiisiinta.

Qodobadaa oo ahaa kuwo Figrado kala duwan laga qaatay ayaa ugu horeyntii waxaa laysla gartay in Ganacsiga maanta ka jira dalku yahay mid dhan marka la eego heysta Fursado ka badan kii shalay hadana dhanka kale la oran karo waxaa hortaagan caqbado aan horay u soo marin Ganacisgii jiray, sidoo kale waxaa meesha laga xusay in caqbada ugu badan ee maanta heysta Ganacsiga jira uu yahay dhinaca nabad-galyada oo ah qodob siweyn ganacsatadu ugu cel celisay, halka marka la eego Fursadaha maanta gacasigu heysto la tilmaami karo sida ay ka dhawaajeen inta badan Ganacsatada dhinaca Isgaarsiinta oo heer aad u wanaagsan laga gaaray.

Aqoon-isweydaarsiga oo mar marka qaar Ganacsatadu su’aalo iska weydiinayeen waajibaadka saaran ganacsatada maanta jirta ayaan meesha laga saarin in ganacsatadu lee yihiin door muhiim ah oo looga fadhiyo in ay wax badan ka qabtaan sida ka taakuleyta shacabka arimo dhowr ah sida Fatahaadaha, Abaaraha, ka qeyb qaadashada dib u soo nooleyta adeegyada Bulshada sida Caafimaadka iyo wax-barshada oo dhamaantood ah door inta badan looga baahan yahay in gacasatadu qeyb ka qaadato, waxaa ugu danbeytii laysla gartay in Ganacsatadu tahay lafdhabarka Bulshada.

Eng. Max’ed Xasan Kulmiye oo ah Madaxa Xarunta Cilimi Baarista iyo wada tashiga ee CRD ayaa sheegay in kulamada noocan oo kale ah yihiin kuwo marka danbe bulshadu ku gaari karto isla xisaabtan dhab, waxaana uu intaa ku daray in Xaruntu horay u sii dhaqaan jin doonto doodaha iyo waliba kulamadan oo kale si meesha looga saaro is warqab la’aanta ku dhax jirta Bulshada dhaxdeeda, isaga oo u mahad celiyaya dhinacyadii ka soo qeyb-galay Aqoon-isweydaarisga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).