15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ururka Dhexdhexaadinta Ururrada Soomaaliyeed ee Dalka Sweden oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Bukaano Dhaawacyo Qaba oo ku jira Isbitaalka Madiina

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, May 23, 2007(HOL): Ururka Dhexdhexaadinta Ururrada Soomaaliyeed ee ka dhisan Dalka Sweden ayaa Deeq lacageed waxaa uu u qeybiyay Bukaano ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

17 Ruux oo dhaawacyo kala gedisan qaba ayaa maanta loo qeybiyay lacag deeq ah oo uu Ururkaas ka soo diray Dalka Sweden, iyadoo uu qeybinta lacagtaas Ururka u wakiishay Maamulka Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

Bukaannada Dhaawacyada ah ee lacagta loo qeybiyay ayaa ahaa kuwa ugu liita dhaawacyada Isbitaalka ku jira, iyadoo dadkaas dhaawacyada ah ay ahaayeen kuwo dhaawacyo culus qaba. Qaar ka mid ah Dadkan ayaa ah kuwo labada lugood ka go’an oo hadana dhaawaca soo gaaray Teetano ka qaaday, kuwo sanka laga nafaqeeyo oo aan si caadi ah jeenanka la siinayo u qaadan karin iyo kuwo naafo aad u daran noqday oo aan xubnaha jirkooda dhaqaajin karin in lagu kaalmeeyo mooyee.

Lacagta Deeqda ah ee uu Ururkan ugu deeqay Bukaanada dhaawacyada qaba ee ku jira Isbitaalka Madiina ayaa waxay gaareysaa 1000$, waxaana loogu talagalay in wax laga gaarsiiyo Isbitaallada kale ee ku yaala Magalada Muqdisho iyo weliba dad kaalmo u baahan oo Muqdisho ku sugan.

Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Madaxa Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina oo isagu la socday sidii Bukaanada loogu qeybiyay Deeqda Lacageed ayaa uga mahadceliyay Ururka Dhexdhexaadinta Ururrada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya, wuxuuna ku sii booriyay mas’uuliyiinta Ururka in ay sii laba laabaan kaalmada ay ugu talagaleen Dadka ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya.

Dr. Maxamed Yuusuf waxaa uu sheegay in dhaawacyada Isbitaalkaas jiifa ay haatan tiradoodu ku dhowdahay boqol ruux, wuxuuna caddeeyay in ay Isbitaalka horay uga baxeen bukaano kale oo la daweeyay. Dr. Maxamed waxaa uu sheegay in dhaawacyada Isbitaalka la keeno ay yihiin kuwo ka dhashay Qaraxyo Muqdisho ka dhacay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay yaraadeen dhaawacyadii ka imaan jiray isku dhacyada iyo dagaallada.

Ugu dambeyntiina, Bukaannada ku jira Isbitaalka Madiina ayaa si weyn u soo dhaweeyay Kaalmada uga timid Ururka Dhexdhexaadinta Ururrada Soomaaliyeed ee Dalka Sweden, waxayna uga mahadceliyeen mas’uuliyiinta Ururkaas garashada ay muujiyeen ee ay ku kaalmeeyeen Walaalahooda ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).