
Arbaco, May 23, 2007(HOL): Bilicda Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa dib u soo noqoneysa kadib markii ay Ciidamada Minishiimbiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburiyeen Sandaqado iyo dhismooyin si sharci darro ah looga dhisay hareeraha Waddooyinka Muqdisho.
Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta aad socoto waxaad ku arkeysaa meelo qashin buuxi jiray, isla markaana ay buushash ka sameysnaayeen oo haatan si aad ah loo nadiifiyay. Meelaha bilicdooda la soo celiyay ee sida weyn loo dareemi karo waxaa ka mid ah Isgoyska KM4, gaar ahaan halka ay ku taalo Taalladii Axmed Gurey.
Taalladaas intii aanu Maamulka Gobolka Banaadir ka howl bilaabin magaalada Muqdisho waxay ahayd mid ay ku hareereysan yihiin sandaqado iyo tabeelooyin ay oraahyo xayeesiin ah ugu qoran yihiin qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa laga qaaday qashin iyo carro aad u tiro badan oo yaalay mudadii Dowlad la’aan ahayd, inkastoo ay maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay isku dayeen in ay nadiifiyaan Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Xiligii ay Magaalada Muqdisho ku jirtay xaaladda fowdada ah ee ay talin jireen Hoggaamiye Kooxeedyada ayaa waxaa meelaha qaarkood lagu arki jiray qashin tiro badan oo aan la qaadi karin, kaasi oo ay kooxo hubeysan ilaashan jireen, iyagoo marka la isku dayo in qashinkaas la qaadana weydiisan jiray lacag qashin-furasho ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Howsha Nadaafadda ah ee ka socota Magaalada Muqdisho ayaa waxaa fulinaya Haweenka Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay soo abaabuleen Guddoomiyayaasha Degmooyinka Banaadir ee dhawaantan la magacaabay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






