15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Maxamed Dheere oo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ku eedeeyay Odayaasha Beelaha Hawiye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa Odayaasha Beelaha Hawiye ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho .

Maxamed Dheere oo ka hadlayay furitaanka Seminaar loo qabtay Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Beelaha Hawiye ay doonayaan in ay Dowladda cadaadiyaan, balse aysan taasi ka ogolaan doonin, “Nimankii sheeganayay Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa ka dambeeya Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxayna doonayaan in ay Dowladda cadaadiyaan, annaguna iyaga ayaan cadaadineynaa”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Odayaasha Beelaha Hawiye ay tiro ilaa shan jeer ah la kulmeen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, hayeeshee aysan weli ka tanaasulin mowqifkii ay uga soo horjeedeen Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa horay u sheegay in Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha, balse waxaa hadalkaas beeniyay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo sheegay in Suuqa Bakaaraha uu yahay mid ka caagan kooxaha fidno-wadayaasha ah.

Maxamed Dheere ayaa dhawaan waxaa uu ka badbaaday Qarax la doonayay in lagu dilo, kaasi oo loogu geystay nawaaxiga Dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali, xili uu kormeerayay Olole Nadaafadeed oo Magaalada Muqdisho ka socda.

Dhanka kalena, Qarax aad u xooggan ayaa saakay lala beegsaday Ciidamo Dowladda Federaalka ka amar qaata oo ku sugnaa Garaash ku yaala Deegaanka Suuqa Xoolaha. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ay qaraxaas ku dhinteen ilaa afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, halka uu dhaawac soo gaaray dad intaas ka badan oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).