15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Baaq soo saaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Golihii Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa soo saaray baaq ku ku wajahan Shirka DIb u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bisha soo socota bartamaheeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo waramayay Wargeyska Sharqul Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in haddii la doonayo in uu najaxo shirka dib u heshiisiinta ah in marka hore loo baahan yahay in fursad la siiyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in aysan jirin wax u diidaya in uu si weji ka weji ah u horfariisto Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, si ay uga wada hadlaan joojinta dhiigga dadka shacabka ee daadanaya, waase haddii buu yiri uu Madaxweyne Yuusuf ka tanaasulo doonistiisa ah in ay Ciidamada Itoobiyaanka sii joogaan Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu baaq u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, wuxuuna u jeediyay in uu Ciidamadiisa kala baxo dalka Soomaaliya, isla markaana uu dadka Soomaaliyeed u daayo in ay aayahooda ka tashadaan.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo uu Wargeyska Sharqul Awsat sheegay in uu ku sugan yahay meel qarsoodi ah oo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaan hadalkiisa la maqlin tan iyo markii uu soo dhamaaday dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya Ciidamo Itoobiyaan iyo Kooxo Wax iska caabin ah oo qaarkood taageerayaal u ahaa Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).