Talaado, 22, May, 2007 (HOL): Waa su’aal marka dhan laga eego adag Maxaa yeelay hadalka ka soo yeeray Madax-weynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waa mid wali u muuqda in dowladu raali ka aheyn shirka lagu balan san yahay 15-Jun-2007 in ay ka soo qeyb-galaan shaqsiyaad huwan magac Urur iyo wax la mid ah.
Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadaha oo hada ku kala firirsan qaar ka mid ah wadamada dariska la ah dalka Soomaliya islamarkaana siyaasad ahaan ood-wadaag la noqday Xubnihii ka tirsaan Baarlamaanka ee xilalka laga qaaday ayaa waxaa hubanti ah in ay wali yihiin kuwo saameyn buuxda ku leh wax yaabaha ka socda gudaha dalka sidaa daraadeed ay lagama maarmaan tahay in qeybtooda ku lahadaan marka laga hadlayo shir dib u hishiisiineed oo la mid ah kan loo balan san yahay Bisha tan xigta in lagu qabto Caasimada Muqdisho.
Balse Iskaba daa in Mas’uuliyiintaasi ugu soo qeyb-galaan shirka iyaga oo matalaya Beelo, ee Xitaa aan is weydiino in shir ay garwadeen ka tahay dowlada Soomaaliya ee uu madax-weynaha ka yahay C/laahi Yuusuf ay ka soo qeyb-galyaan iyaga oo ah Mas’uuliyiitii Maxkamadaha, gaar ahaan marka dib loo milicsado hadalkii uu jeediyay Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in shirkaasi yahay mid waqtiga looga dhuminayo Umada soomaaliyeed.
Xaalku ma’aha mid fudud Dowlada Federaalkuna ma’aha xiligan mid u soo jeeda in ay wada hadalo dhab ah la furto kooxda ugu culus ee la oran karo waa garabka kaliya ee ka soo horjeeda siyaasada Dowlada waqtigan, waayo waxaa hubaal in Odyaal dhaqamaad iyo wax-garad laga kala keeno gobalada dalka arimuhu ka sii qota dheer yihiin walow odayaasha dhaqanka laftirkoodu yihiin miisaan jira oo aan la fududeysan karin.
Dhinaca kale waxaa iyana xusid mudan in garabka Fariisinka ka dhigtay Magaalada Asmara oo ay ku jiraan Xitaa Xubnihii shaqada baarlamaanka laga joojiyay yihiin kuwo xaalka sii calwinaya beesha caalamkana u muujinaya Sawiro qaldan oo dhinac kale u weecin kara aragtidii markii hore la qabay, sida magaca cusub ee ah Xubnaha Baarlamaanka Xurta ah iyaga oo markaa muujinaya in Baarlamaanka Soomaaliya ee ku shaqeynaya gudaha dalka yihiin Xubanaha ku jira kuwo aan xor aheyn oo ku hoos jira sida ay hadalka u dhigaan gacanta Itoobiya.
Hadaba Umada Soomaaliyeed waa mid siweyn u soo dhaweyn karta shir ay ka soo qeyb-galaan in ka badan 1000 Ruux oo waliba ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo sanadihii la soo dhaafay aan rajo looga qabin in argo intaa la eg lagula balamo, lakiin si arimuhu u najaxaan loona gaaro dib u hishiisiin dhab ah waa in dhincyada isku haya siyaasada Soomaaliya Meesha ka saaraan meel marinta figrahadooda gaarka ah loona soo wada jeesto aayo ka talin dhab ah iyada oo arimaha laga eegayo dhinaca Muqstaqbalka dadka iyo dalka, waxaana ugu danbeytii haboon in Dowalada muujiso soo dhaweyn dhinac walba ah si arimuhu u guuleystaan, halka looga baahan yahay kooxda fariisinkoodu yahay Magaalada Asmara in meesha ka saaraan arinta la midka ah oraahdii aheyd (Cadawgaaga Cadawgiisa Waa Saaxiibkaa) loona soo wada jeesto sidii loo samata bixin lahaa Qaran Soomaaliyeed oo laga wada qeyb-galo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






