15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Shirkadaha Xawaaladaha Global Money Transfer iyo Qaran Express oo Midoobay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, May 22, 2007(HOL):
Xaflad lagu maamuusayay isku biiridda labada shirkadood ee Global Money Transfer iyo Qaran Express ayaa ka dhacday Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho waxaana xafladdaan ka soo qaybgalay, Xubno wasiirro ah oo ka socday Dowladda Federaalka, Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Sidoo kale madaxda Shirkadaha Xawaaladaha ee Muqdisho.

Wasiirrada Dowladda ee xafladdaas ka soo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa; Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowladda ahna Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Saalim Caliyoow Ibrow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere), Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xasan Abshir Faarax iyo weliba Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

Xafladdaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horreyn hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Shirkadda Xawaaladda ee Global Money Transfer Xuseen Axmed Xasan (Xuseen Goley) wuxuuna si weyn uga hadlay Shirkadda Global Money Transfer iyo howlihii ay Shacabka Soomaaliyeed u haysay, isagoo sheegay in shirkaddu ay gacan weyn siisay shacabka Soomaaliyeed intii ay jirtay.

“Waxaan isla garannay innaga iyo Shirkadda Qaran inaan isku darsanno hantida aana si jamac ah ugu shaqeyno bulshada Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in shirkaddaha ay noqdaan kuwo midoowa” ayuu yiri Xuseen Goley oo intaas ku daray: “Dhammaan qaybaha kala duwan ee laba shirkadood, sida laamaha shirkadaha iyo xarumaha waaweyn waxay u shaqeynayaan sidoodii hore, waxayse qaadanayaan Magaca Shirkadda Qaran Express”.

Xuseen Goley ayaa si weyn ugu dheeraaday howlaha ay shirkaddu u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed, wxuuuna sheegay in howlihii ay shirkaddu shacabka Soomaaliyeed u qabatay intii ay jireen dhibaatooyinkii kala duwanaa sida abaarihii, furiddii goobaha caafimaadka, isboortiga iyo nadaafadda.

“Waxaan EEBBE ka baryayaa in midowga Shirkadaha Global iyo Qaran uu noqdo mid shacabka Soomaaliyeed u horseeda Midowga iyo isku xirnaan ka saara dhibaatadii ay ku soo jireen muddo 16-sano ee xiriirka ahaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xuseen Goley Madaxa Shirkadda Global Money Transfer ee loo wareejiyay Qaran Express.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay Madaxa Shirkadda Qaran Express C/qaadir Xaashi Jimaacle oo dhankiisa ku dheeraaday howlaha shirkadda Qaran Express oo jirtay muddo hal sano ah, balse dardar iyo howl lala yaabo la soo gashay dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Inkastoo shirkadda Qaran Express ay jirtay muddo gaaban ayna howlo la taaban karo shacabka Soomaaliyeed u qabtay haddana waxaan diyaar u nahay inaan shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeyno si hufan maadaama aan isku biirnay Maanta Shirkadda Faca weyn ee Global Money Transfer” ayuu yiri C/qaadir Xaashi Jimcaale.

Mudane Jimcaale wuxuu sheegay in Shirkadda Qaran ay horay ugu biireen Shirkadihii Sahan iyo Red Sea, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in shirkadda Global Money Transfer ay isku biirsadaan howlahooda shaqo ayna si wadajir ah ugu shaqeyno shacabka Soomaaliyeed.

“Howsha wadajirka ah ee shirkadaha Midoobay ay u qabanayaan shacabka Soomaaliyeed waxay noqon doontaa mid ay shacabku si weyn ugu farxaan, waxaana ballaqaadaynaa in aan haqabtirno howlahood xawaaladeed iyo tooda bank” ayuu yiri mar kale yiri C/qaadir Xaashi Jimcaale oo ah guddoomiyaha shirkadda Qaran ee ka kooban labada shirkadooda ee isku biiray.

Wuxuu dhanka kale sheegay C/qaadir Xaashi Jimcaale inay shirkadda saamigeeda ugu badan laga leeyahay Gobollada Waqooyi iyo Kuwa Koonfureed, isagoo carrabka ku dhajiyay in shirkadda aysan ku lahayn saami badan Muqdisho, isla markaana uu Xuseen Goley noqday qofkii ugu horreeyay oo saamiga ugu badan ku yeesha Shirkadda isla markaana ah Reer Muqdisho, wuxuuna daboolka ka qaaday inay jiraan Shayrar kale oo badan, ayna u furan tahay cid walba oo ku darsan karta Shikadda Share ama wadaag.

Xubnihii Dowladda ee xafladda ka hadlay oo ahaa Gacmo-dheere, Xasan Abshir iyo Ibroow ayaa waxay isku raaceen inay si weyn u soo dhaweynayaan midowga labada shirkadood ee Global Money Trasfer iyo Shirkadda Qaran Express, waxayna sheegeen in keli-keli loo shaqeysto ay ka wanaagsan tahay in wadajir loo shaqeysto.

Mas’uuliyiintaan Dowladda waxay qireen in Shirkadahan Midoobay ay yihiin kuwo horumar dalka gaarsiin kara, balse looga baahan yahay inay canshuuraadka Dowladda iska dhiibaan, isla markaana ay dowladda gacan ka siiiyaan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).