Talaado, May 22, 2007(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Bani’aadannimada John Holmes oo warbixin siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib socdaal uu ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hoggaamiyayaasha dalka Soomaaliya ay bixiyeen tiro aad u yar oo ku aadan Dadkii ku barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay.
Sidaasoo ay tahay John Holmes waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u ballanqaadeen in ay gacan ka geysanayaan sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ku dandareysan duleedyada Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa uu sheegay in ay madaxda Dowladda isku af-garan waayeen tirada dadka ka cararay Dagaalladii Magaalada Muqdisho ka dhacay.
Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in ay dagaalladii Muqdisho ku barakaceen 400,000 oo ruux, halka madaxda Dowladda Federaalkana ay sheegtay in tirada UN-ka soo saaray ay tahay mid laga badbadiyay, isla markaana dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ay tahay 30 ilaa 40,000 oo qofood, kuwaasi oo qaarkood ay guryahoodii dib ugu laabteen.
Sidoo kalena, Qaramada Midoobay waxay walaac ka muujisay xaaladda nololeed ee dad qaxooti ah oo gaaraya 250,000 oo qofood kuwaasi oo horay ugu sugnaa Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haatan aan dib ugu noqon karin meelihii ay ku noolaayeen oo ay ka mid ahaayeen dhismayaal Dowladeed.
John Holmes oo dhalashiisu tahay
Ergayga ka socday Qaramada Midoobay waxaa uu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay in aaney Soomaaliya dhabarka u jeedin, isla markaana ay tahay in ay wax ka qabtaan baahida dhinacyada kala duwan leh ee xiligan ay qabaan dadka Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa had iyo jeeraale waxay ku cel celiyaan in tirada Dadkii ka barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay soo saareen Guddigii Qiimeynta Beelaha Hawiye iyo Qaramada Midoobay ay yihiin kuwo aad looga badbadiyay oo aan gaareynin inta lagu sheegayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






