15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Uganda oo sheegtay in ay Soomaaliya Ciidamo dheeraad ah u direyso haddii laga codsado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 21, 2007(HOL): Dowladda Uganda ee Madaxweyne Yoweri Mosaveni ayaa shaaca ka qaaday in ay Ciidamo kale oo dheeraad ah ay u direyso Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Uganda Ms Ruth Nankabirwa ayaa u sheegtay Jariidada Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Uganda in ay Soomaaliya u dirayaan Ciidamo dheeraad ah, waase haddii bey tiri taasi nagala codsado.

Ms Ruth Nankabirwa waxay sheegtay in ay codsi u direen Dalalka Midowga Afrika ee horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay ku adkeeyeen dalalkaas in ay ballanqaadkooda ka dhabeeyaan.

“Ciidamada Uganda kaligood ma joogaan Soomaaliya, waxayna horay ugu heshiiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay Ciidamada Itoobiya sii joogaan Soomaaliya tan iyo inta ay imaanayaan Ciidamada laga sugayo Dalalka Nigeria, Burundi, Ghana iyo Malawi”ayay tiri Ms Ruth Nankabirwa.

Dowladda Burundi oo horay u ballanqaaday in ay Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 1,700 oo Askari ayaa waxay sheegeysaa in ay heysato dhibaato dhaqaale oo ka hortaagan in ay Ciidamadeeda geyso Soomalaiya, Nigeria ayaa iyaduna sheegtay in ay direyso 850 askari, halka Dowladda Ghana ay caddeysay in ay iyadana Soomaaliya u direyso 350 askari. Malawi weli lagama hayo nambarka Ciidamada ay direyso.

Dowladda Uganda ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho 1,500 oo Askari, kuwaasi oo gurmad Bani’aadannimo u fidiyay dad ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay iyo kuwo ku barakacay dagaalladaas, hayeeshee  abaalka  ay Ciidamada Uganda u galeen dadka Muqdisho waxaa loogu bedelay in Miino loo geliyo Wadada dhinaceeda, kadibna ay ka geeriyoodaan ilaa Afar Askari oo shalay lagu aasay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).