15 C
London
Thursday, November 6, 2025

UN-ka oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 21, 2007(HOL): Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in tallaabo laga qaado kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaasha Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Hay’adda Cunta Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in kaalmo ay gaarsiin lahayd dad ku tabaaleysan gudaha dalka Soomaaliya ay caqabad ku yihiin kooxaha Burcad Badeedka oo markabkii ugu dambeeyay oo u kireysan WFP ku weeraray Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan meel aan u dheereyn Xeebta Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Markabka la weeraray oo raashin gaarayay 4000 oo tan ku dejiyay Dekedda Marka ayaa wuxuu ku sii jeeday Deked ku taala Magaalada Dares Salaam ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu ka soo shiraacday markiisii hore.

Josette Sheeran  oo ka mid ah Saaraakiisha Hay’adda WFP ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban kooxahaas burcad Badeedka ah ay adkaan doonto in kaalmada ay u baahan yihiin la gaarsiiyo dad gaaraya hal Milyan oo ruux, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Kooxahan Burcad Badeedka ah oo ah kuwo aad u hubeysan, isla markaana wata Doomo dheereeya oo ay Maraakiibta ku soo qabsadaan ayaa waxay ka dilaaceen Xeebaha Soomaaliya kadib markii ay meesha ka baxday Dowladdii hore ee Soomaaliya, isla markaana ay taladii la wareegeen Hoggaamiye Kooxeedyo kala ujeedo ah.

Tan iyo markii ay Kooxaha Burcad Badeedka ka dilaaceen Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa la qafaashay ilaa seddex Markab oo u kireysnaa Hay’adda WFP, kuwaasi oo uu ku rarnaa Raashin Mucaawino ah oo loo waday dad ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya oo Haween iyo Caruur u badan

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maxkamadihii Islaamka ee lixda Bilood ka talinayay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay hakiyeen weeraradii kooxaha Burcad Badeedka, iyagoo xitaa mar gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah kooxahaas oo lagu soo xiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dabcan baxsaday markii Maxkamadihii Islaamka talada Magaalada Muqdisho ay kala wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsaneysay Ciidamo Itoobiyaan ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).