15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Madaxweyne Yuusuf oo ogolaaday in Xubnaha Maxkamadihii Islaamka ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 20, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ogolaaday in ay xubnaha Maxkamadihii Islaamka ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ah ee bisha soo socota lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, waase haddii buu yiri ay soo doortaan Qabaa’ilkooda.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Haweeneyda lagu magacaabo Patrizia Sentinelli oo booqasho waqti kooban ah ku tagtay magaalada Muqdisho, isla markaana kulan la qaadatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa soo dhaweysay go’aanka uu madaxweynaha qaatay, waxayna ku tilmaantay go’aanka madaxweynaha mid bilow wanaagsan ah, iyadoo ugu baaqday madaxweynahana in uu go’aankiisaas ka dhabeeyo.

Patrizia Sentinelli oo ahayd Diblumaasigii ugu dambeeyay ee Reer Galbeed ah ee booqda Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in ergooyinka ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si cadaalad ah lagu soo xuli doono, iyadoo xustay in shirkaas marka uu qabsoomo ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto.

Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ayaa horay waxay u sheegi jireen in aaney shirka dib u heshiisiinta ah ka qeybgeli doonin wakiillo ka socda Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay gacmaha dhiig kula jiraan, isla markaana ay dembilayaal yihiin.

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 14-ka bisha soo socoto lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay loo qorsheeyay in ay ka qeybgalaan 3000 oo ergay, hayeeshee tiradaas waa la dhimay, waxaana lagu soo koobay 1,325 ergay, waa sida uu shalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabinaya Shirkaas Cali Mahdi Maxamed.

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in ay shirkaas ku casuumayaan cid kasta oo daneyneysa in ay Soomaaliya nabad noqoto, wuxuuna ciddii lagu martiqaado ee diida uu ku tilmaamay mid aan rabin Soomaaliya oo nabad noqoto. Cali Mahdi marka uu sidaas lahaa waxaa uu ka jawaabayay weydiin ahayd sida uu u arkayo hadal dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo ahaa in aysan ka qeybgeleynin shir dib u heshiisiineed inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Lama hubo in Xubnaha Maxkamadihii Islaamka oo loogu itaal sheegtay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ay aqbali doonaan inay ka qeybgalaan Shirka dib u heshiisiinta ah ee bisha soo socota bartamaheeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).