14.9 C
London
Thursday, November 6, 2025

Qaraxyo xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 20, 2007(HOL): Qarax aad u xooggan oo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca dhowr qofood oo kale ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Geedka Caano-booraha ee u dhow biyo dega Sii Sii.

 

Qofka dhintay ayaa la sheegay in uu marayay wadada, halka dadka dhaawacayna ay ku jireen Haween howlo nadaafadeed ka fulinayay Wadada hormarta Dugsigaas oo ay ku jiraan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Qaraxan ayaa wuxuu ka qeyb ka ahaa qaraxyo maalmahan lala beegsanayay fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba gaadiidka ay isticmaalaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena, Qarax kale ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Deegaanka SOS ee Magaalada Muqdisho, inkastoo qaraxaas oo lala beegsaday Ciidamo Dowladda Federaalka ka amar qaata oo halkaas ku sugan aaney cidna wax ku noqon.

 

Qaraxa ka dhacay Deegaanka SOS ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo habeenadii aynu ka soo gudubnay uu deegaankaas saarnaa bandow ka bilaabanaya 6-da Maqribnimo oo ku eg 6-da aroornimo.

 

Qaraxyada xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qab-qabtay dad dhowr ah oo lagu tuhmay in ay lug ku lahaayeen qaraxyada dhacay, waxaana dadkaasi kaxeystay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).