14.9 C
London
Thursday, November 6, 2025

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo kulan la qaatay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 19, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Somalia Wafdi ay horkaceysay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizia Sentinelli.

Shirka ay labada dhinac ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay uga wada hadleen Xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii ay Dowladda Talyaaniga uga qeybqaadan lahayd soo celinta nabadgelyadii Soomaaliya iyo weliba dib u dhiska dalka, iyadoo wada hadalka labada dhinacna uu ku soo dhamaaday jawi is-af-garad leh.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Patrizia Sentinelli ayaa shirkaas kadib waxay saxaafadda u sheegtay in ay Dowladda Talyaaniga gacan ka geysan doonto nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, balse waxay carrabka ku dhufatay in ay taasi ku xiran tahay sida loogu guuleysto shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa intii aysan soo gaarin Magaalada Muqdisho waxaa ay horay u soo martay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kulan kula soo qaadatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ay isla soo qaadeen sidii ay u taageeri lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay u soo celin lahaayeen nabaddii Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay taageeri doonto shirka dib u heshiisiinta ah ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeybgelayaan ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay caddeysay in ay taageeri doonto Howlgalka nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wafdigan ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa wuxuu ahaa mid ugu ballaarnaa ee Muqdisho yimaada tan iyo markii ay Dowaldda Federaalka Soomaaliya gaartay Magaalada Muqdisho kadib muddo labo sanadood iyo dheeraad ah oo ay ku meereysaneysay magaalooyin aan ahayn Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).