Sabti, May 19, 2007(HOL): Askartii Uganda ee ku geeriyootay magaalada Muqdisho ayaa markii meydadkooda la geeyay Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda waxay keentay in ay Shacabka Uganda ay Dowladda u soo gudbiyaan dalab ah in Ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.
Dalabkan oo si toos ah ugu socday madaxweyne Yoweri Moseveni ayaa wuxuu soo baxay kadib markii Dalka Uganda la geeyay meydadka Afar Askari oo ku geeriyootay Bambo Wadada Dhinaceeda loo geliyay iyo dhaawaca Shan Askari oo kale oo isla Bambadaas ku dhaawacmay.
Qoysaska ay Askartaas ka geeriyoodeen ayaa waxay magdhow ahaan u helayaan qoyskiiba 100,000 oo Doollarka Mareykanka ah, walow ay qoysaska Ciiidamada loo diray Soomaaliya ay u muuqdaan kuwo aanan ku qanacsaneyn lacagta la siinayo kadib marka ay Wiilashooda dhintaan.
Aggrey Awori oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda, isla markaana la taliye u ah Madaxweyne Yoweri Mosaveni ayaa sheegay in
Horayna Wasiirka Difaaca
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u dirtay Ciidamo gaaraya 1,500 askari, kuwaasi oo ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika, iyadoo weli la sugayo ciidamo ka imaanaa dalal dhowr ah oo horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






