15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

WFP oo sheegtay in gargaar ay gaarsiin lahayd Dad gudaha Soomaaliya ku tabaaleysan ay caqabad ku yihiin Kooxaha Burcad Badeedka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 18, 2007(HOL): Hay’adda Cuntada Addunka ee WFP ayaa shaacisay in raashin ay gaarsiin lahayd dad ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya ay caqabad ku yihiin kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta qafaasha.

 

War ay ka soo saartay Nairobi ayay WFP ku sheegtay in ay dooneyso in ay raashin la gaarto dad ay tiradoodu gaareyso 122,500 oo ruux, kuwaasi oo u badan Haween iyo Caruur ay saameeyeen dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, hayeeshee waxaa ay xustay in aysan raashinkaas gaarsiin karin dadkaas sabab la xiriirta in ay Badda u fadhiyaan Kooxo Burcad Badeed ah.

 

Peter Goossens oo ah Agaasimaha WFP ugu xilsaaran dalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ayaa ka codsaday maamullada Soomaaliyeed in ay wax ka qabtaan kooxaha Burcad Badeedka ah ee maraakiibta af-duubta.

 

Kooxahan Burcad Badeedka ah ayaa waxay ku tilmaantay WFP kuwo cadaw ah oo aanan u naxeynin Caruurta iyo Hooyooyinka ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Kooxaha Burcad Badeedka ah ayaa sanadkan kaliya waxay af-duubteen ilaa 9 Markab oo isugu jiray kuwo gargaar waday iyo kuwo u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo ay jireen Maraakiib ka baxsaday weerar lagu af-duuban lahaa. Horayna waxaa xeebaha Soomaaliya loogu af-duubtay ilaa seddex Markab oo u kireysnaa Hay’adda WFP.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalkan ka soo baxay WFP ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Xeebaha Soomaaliya lagu af-duubtay labo Markab oo laga leeyahay Dalka Koofur Kuuriya iyo mid kale oo laga leeyahay Dalka Taiwan, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay wel welka ay muujineyso Hay’adda WFP.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).