Jimco, May 18, 2007(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Dr. Gondaleze Rice ayaa Ambassador John M. Yates waxay u dooratay in uu noqdo Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Ergeygan oo ka soo shaqeeyay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana Safiir ka soo noqday Dalal Dhowr ah oo Qaaradda Afrika ku yaala ayaa loo xushay in door wax ku ool ah ka ciyaaro sidii loo soo celin lahaa nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
Ergeygan ayaa waxyaabaha lagu qiimeeyay markii loo magacaabayay arrimaha Soomaaliya waxaa ka mid ah waxaa uu yahay khabiir arrimaha Soomaaliya si gaar ah ula socday, isla markaana goob-joog ka ahaa shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba Ergeygan ay Dowladda Mareykanka u soo magacawday Dalka Soomaaliya Mr. John M. Yates oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in uu door muhiim ah ka ciyaari doono sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa dal xasiloon, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu dhawaan booqasho ku tegay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Dowladda Itoobiya kuwo ka socday Midowga Afrika, kuwaasi oo uu sheegay in ay isla soo qaadeen sidii Soomaaliya loogu diri lahaa Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Midowga Afrika.
Sidoo kalena Ambassador John Yates waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu muhiimad gaar ah siinayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in shirkaas la qabto waqtiga loo qabtay. Haddii shirkaas uu qabsoomo, isla markaana ay Soomaalida ka wada qeybgasho ayuu sheegay in mushkiladda Soomaaliya xal loo heli doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






