Jimco, May 18, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga loo xil saaray Qabashada shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in ay shirkaas oo dhawaan la qabanayo ku casuumayaan cid kasta oo loo arko in ay wax ka keeni karto Nabadda Soomaaliya.
“Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan la qabanayo Cid kasta ayaan ku casuumeynaa, Ciddii diidana waxaan u arkeynaa mid aan rabin in ay Soomaaliya nabad noqoto” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo u Waramayay Idaacadda VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga.
Cali Mahdi Maxamed oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal dhawaan ka soo yeeray guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa in aaney ka qeybgeleynin shir dib u heshiisiineed oo gudaha Soomaaliya ka dhacaya inta ay joogaan Ciidamada Itoobiyaanka ah, waxaa uu sheegay in hadalkaas uu ula muuqdo mid ay ujeedo gaar ah ka dambeyso, isagoo intaasna ku sii daray in shirka ay qaban qaabadiisa wadaan ay ka qeybgelayaan wakiillo ka socda dhamaan Beelaha Soomaaliyeed.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Mudisho lagu qabanayo bartamaha bisha soo socota la qaban doono xiliga loo asteeyay, isagoo caddeeyay in ay dhaqaale ku bixinayaan Dalal Caalamka ah oo uu ka xusay Mareykanka iyo Wadamada ku bahoobay Midowga Yurub.
Shirkan dib u heshiisiinta ah oo ah mid ay horay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd in la qabto 15-kii April ee aynu ka soo gudubnay, hayeeshee waxaa uu xiligaas u qabsoomi waayay sababo la xiriiray dagaallo Muqdisho ka socday iyo iyadoo la helin dhaqaalihii shirka lagu socodsiin lahaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa haatan dayactir lagu wadaa halkii shirkaas dib u heshiisiinta ah lagu qaban lahaa oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la isla gartay in lagu martigelin karo shir ay isugu imaanayaan ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso ilaa 3000 oo ergay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






