15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo Miino ka soo saaray Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, 17, May, 2007 (HOL) Howl-gal ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Federaalka iyo waliba kuwa Itoobiya ee Fadhigoodu yahay Duleedka Magaalada B/weyn ayaa waxaa ay ku guuleystay in ay soo saaraan Miino lagu aasay goob aan sidaa uga Fogeyn halka ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan goob ku dhaw Xarunta Dhaqan Celinta Iftiin oo mar ahaan jirtay Xarun ay isticmaalaan Ciidamadii Maxkamadii Islaamiga ee Gobalka Hiiraan.

Miinada la soo saaray oo aheyd Tan laga hago gacanta ayaa waxaa markii hore arkay dad socoto ah oo ku wargaliyay Ciidamada Dowlada Federaalka oo markii ay goobta gaareen arintaa ku sii wargaliyay kuwa Itoobiya oo iyagu halkaa ka saaray.

Halka Miinada laga soo saaray oo aheyd wato ay siweyn u Isticmaalaan Gawaarida Ciidamada Itoobiya ayaa muujineysa in looga gon’lahaa wax yeelo lagu gaarsiiyo Ciidamada walow aan arinkaa lagu guuleysan, waxaana Sarkiil Itoobiyaan ah oo ka hadashay halka Miinada laga saaray ay sheegeen in arintani Muujineyso in ay jiraan dad ka soo horjeeda Joogi taankooda Islamarkaana sida ugu dhaqsi yahay badan ugu hortagi doonaan.

Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn oo mar kaliya ku soo baraarugay warka ku saabsan Miinada lagu aasay Agagaarka halka ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu sheegay falkaasi keeni karo dhibaato ka dhalata Iska hor imaadyo marka danbe dhax mara kooxo amaanka ka soo horjeeda iyo waliba Ciidamada Itoobiya.

Waa markii ugu horeysay oo sidan oo kale la arko Miino dhulka lagu aasay tan iyo markii meesha laga saaray Maamulkii Maxkamadaha, waxaana marka aad arimaha u fiirsato muuqanaya in ay soo baxayaan kooxo ku kacsan Fariisinka Ciidamada Itoobiya ay ka dhiganayaan Duleedka Magalada B/weyn oo ay hada Ciidamadu si Rasmi ah u degameynayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).