15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Madaxweyne Daahir Riyaale oo sheegay in aysan dib ula midoobi doonin Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 17, 2007(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda isku magacawday Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in aysan Somaliland dooneynin in ay dib ula midowdo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo u waramayay Taleefashinka Af-Ingiriiska ku hadla ee Al-Jazeera ayaa wuxuu sheegay in ay heystaan khibrad iyo waayo-aragnimo 30 sano gaareysa, taasi oo ay ku barteen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waanu tijaabinay Walaalaheena Soomaaliya, mana dooneyno in aan dib ula midowno”ayuu yiri Madaxweyne Daahir Riyaale Haakin oo xafiiskiisa Magaalada Hargeysa  ugu Waramayay Wariye Maxamed Caddow oo ka tirsan Taleefashinka Al-Jazeera.

Hadalkan uu sii daayay madaxweyne Daahir Riyaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay soo baxeen warar sheegayay in Dowladda Itoobiya ay u ololeyneyso in ay wada hadal ka dhex furto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland, walow warkaas jiritaankiisa ay laaleen mas’uuliyiinta Somaliland.

Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 18-kii May 1991-kii, iyadoo tan iyo xiligaasna raadineysay aqoonsi ay u hesho gooni isu taageeda.

Si kastaba Arinku ha ahaadee,Sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii ay midoobeen Gobollada Koofureed iyo kuwa Waqooyi ee Dalka Soomaaliya kadib markii ay xornimadooda ka qaateen gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, hayeeshee Gobollada Waqooyi ayaa dib ula noqday midnimadii ay la qaateen Gobollada Koofureed, waxayna sheegeen in ay yihiin Dowlad ka go’day Soomaaliya oo madax banaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com 
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).