15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Qaraxii loo geystay Ciidamadiisa Muqdisho jooga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 17, 2007(HOL): Midowga Afrika ayaa cambaareeyay qaraxii shalay Muqdisho loogu geystay Ciidamada Uganda ee magaca Midowga Afrika uga howlgelaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konnare ayaa cambaareeyay qaraxii shalay lagu dilay ilaa shan Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga, wuxuuna ku tilmaamay qaraxaasi mid laga xumaado.

Alpha Omer Konnare waxaa uu ku baaqay in loo baahan yahay in dhaqsi loo soo a-jaro weerarada ceynkaas oo kale ah oo sida uu yiri lid ku ah soo celinta nabaddii Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika waxaa uu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ka jooga Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loogu talagalay in ay soo celiyaan nabadgelyada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in howshii nabad ilaalinta ahayd ee loo diray ay ku darsadeen in ay ka qeybqaataan howlaha loogu gurmanayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Beesha Caalamka ayuu Alpha Omer Konnare ka codsaday in ay taageeraan Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Soomaaliya, si buu yiri ay awood ugu yeeshaan fulinta howlaha nabad ilaalinta ah ee ay Soomaaliya u joogaan.

Alpha Omer Konnare waxaa uu dhanka kale tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii shalay ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ka dhashay Miino Wadada dhinaceeda la geliyay.

Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Uganda ee Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay ee ciidamadaas lala beegsado tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen, walow maalintii ugu horeysay ee ay ka soo degayeen garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaafiic Hoobiyayaal ah oo aaney waxyeello ka soo gaarin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).