15.9 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Itoobiya oo u muuqda kuwo fariisin ka sameynaya Xarun ay lahaan jireen Ciidamada Maxkamadihii Islaamka ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Abarco 16, May, 2007 (HOL) Marka aad Booqato Goobaha ay fariisinka ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo dagay Dulaadka Magaalada B/weyn waxaa ay in dhahaagu qabanayaan howlo kala duwan oo ay ka wadaan Ciidamadu goobaha ay dagan yihiin kuwaasoo kuu muujinaya sida ciidamadu Itoobiyaanku uga go’an tahay in goobahaasi ay dhigtaan deegaano cusub.

Xarunta Dhaqan-Celinta Iftiin waa Xaruntii ugu horesay ee lagu aas aasay Ururkii la magac baxay Ururka Bad-baadada iyo Midimada oo ay ku midoobeen Culumaa’udiinkii markii danbe Majaraha u qabatay Maxkamadii Islaamiga ee Gobalka Hiiraan, waxaana sidoo kale xaruntaasi waqtigaa aheyd goob saldhig u ah Ciidamadii ugu cuslee ee Maxkamadii Islaamiga iyo xabsi lagu xiro danbeelayaasha Maxkamadu soo qabato.

Wax yaabaha kale ee lagu xasuusto xaruntaasi waxaa ka mid ahaa in ay aheyd goob Cilmiga Diinta lagu baro dadka dhaqan celinta loo keeno iyo waliba xitaa kuwa loo soo xiro danbiyada aan sidaa u badneyn, iyadoo ay halkaa joogi jireen kooxo wadaato ah u go’ay wax barida dadka ku jiray Xerada.

Laakiin hada xaalku waa mid sidaa ka duwan waxaa marka aad tagto Aga-gaarka xerada kuu muuqanaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, kuwaasoo qaarkood Difaac ka sameysan Jawaano ciida lagu shubay ka sameystay dusha sare ee xaruta, waxaa sidoo kale markiiba in dhagaagu qabanayaan dhismooyin cusub oo halkaa ka socdo iyo waliba dayactir lagu sameynayo Goobaha xarutu ka bur bursan tahay, Gaar ahaan Ilinka laga soo galo oo bur bur weyn uu ka soo gaaray duqeyn ay u geysatay mid ka mid ah Diyaaradihii dagaalka waqtigii uu socday Xarbigii cuslaa ee dhax-maray Ciidamada Itoobiya iyo waliba kuwa Maxkamadii Islaamiga.

Sida uu HOL u xaqiijiyay Xog-ogaal la shaqeeya Ciidamada Itoobiya ee halkaa ku sugan waxaa howlaha ka socda xaruta ka mid ah, iyada oo la doonayo in halkaasi la geeyo Matooro waa weyn oo ah kuwa dabka dhaliya iyo qalab kale, sidoo kale waxaa uu intaa ku daray Xog-ogaalka warkan siiyay HOL in uusan ka warqabin wax intaa dhaafsiisan gaar ahaan waxa laga damacsan yahay in laga dhigo Xerada.

Deegaanada Cusub iyo waliba dhismayaasha ka socda goobaha ay soo dageen Ciidamada Itoobiya ayaa muujinaya sida Ciidamada dhawaan soo dagay duleedka magaalada B/weyn u doonayaan in halkaa ay kala socdaan dhaq-dhaqaaqa iyo wax yaabaha ka socda watada isku xirta Gobalada dhaxe oo ah marka la eego tan ugu Isticmaalka badan Gobalada K/Soomaaliya.

Balse dad badan ayaa is weydiinaya wax aaqirkii ka soo bixi doona Isbadalka Xeradii ay la hayeen Maxkamadaha, walow mar marka qaar la oran karo waa goob u jeetada ugu weyn ee laga heelayay uun ay tahay in ay saldhig u noqoto Ciidamada Itoobiya ee Doonaya in ay soo dagaan qaar ka mid ah gobalada dhaxe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).