15.9 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ra’iisal Wasaare oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Ammaanka Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, 15, May, 2007 (HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta waxaa uu ku guddoomiyay Xaruntii Nabad-sugidda shir looga hadlayay Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen, isla markaana saxaafadda loo diiday waxaa Ra’iisal Wasaare Geedi kala qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Sii hayaha Xilka Wasaaradda Gaashaandhigga, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Salaad Cali Jeelle iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

Shirkan ayaa la sheegay in looga hadlay sidii gacanta loogu qaban lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho oo beryihii aynu ka soo gudubnay ay ka dhaceen qaraxyo qaarkood lala beegsaday saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa horay waxay u sheegeen in ay wax ka qabaan ammaanka magaalada Muqdisho iyagoo caddeeyay in Ciidamo Boolis ah la dhigi doono Saldhigyada Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ugaarsan doona kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ka dhaca.

Tan iyo markii uu soo af-jarmay dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa magaalada Muqdisho howlgallo nabad-sugid iyo baaris ah ka waday Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya, waxaana iyadoo howlgalladaas ay socdaan Muqdisho ka dhacayay qaraxyo abaabulan oo qaarkood lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gaadiid ay saarnaayeen Saraakiil ka tisan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka dhacaya, isla markaana ay dib u soo nooleyso adeegyada ay Bulshada u baahan yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).