Isniin, May 14 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo horkacaya wafti heer sare ah ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisha isagoo kusii wajahan waddanka Uganda ee ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ka dambeeyay warqad marti galin ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaasi Uganda Yuweri Musafani iyadoo lagu wado in ay labadaasi masuul kawada hadlaan arrimo la xiriira sidii taageero loogu heli lahaa qorshaha dowladda Soomaaliya .
Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in Madaxweyne Yuusuf uu kala hadli doono Musafani sidii uu ugu qancin lahaa in dalalka Afrikaanka ah ee aan wali ciidamada usoo dirin dalka Soomaaliya ay usoo dadajin lahaayeen ciidamadii ay ku ballan qaadeen in ay ka qeyb qaadanayaan nabad ilaalinta dalka Soomaaliya.
Ma jiraan wax warar dheeri ah oo intaasi dhaafsiisan oo ku aaddan booqashada madaxweynaha soomaaliya uu ugu kicitimay waddanka magaalada Kampala ee xarunta u ah dalka Uganda.
Hiiraan Online






