17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Uganda oo codsi u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 13, 2007(HOL): Ciidammada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay kala shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka dadka ka soo gaari kara miinooyinka dhulka lagu aasay.

Afhayenka Ciidamada Uganda Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in shacbka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku soo wargeliyaan ciidammadooda wixii ay arkaan oo qarax sameyn kara, waxaana uu sheegay in qaraxyada ay dhibaatooyinka badan u geysan karaan shacabka.

Captain Paddy Ankunda waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaaliyeed aysan lahayn khibrad lagula dagaalamo miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, sidaas darteed ayuu sheegay in ay isku waajibiyeen inay dadka Soomaaliyeed ka caawiyaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen waxyeellada miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka Ciidamada Uganda oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Ciidamadooda ay diyaar u yihiin shacabka Soomaaliyeed xili kasta oo ay uga baahdaan in ay caawiyaan, gaar ahaana marka ay arkaan waxyaabaha qarxa.

Waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay geystaan miinooyinka oo uu carrabka ku dhuftay in aysan cid gaar ah saameyneynin, isla markaana ay cid kasta dhibaato ka soo gaari karto, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay ku soo wargeliyaan marka ay arkaan waxyaabaha qarxa.

Codsigan ka soo baxay Ciidamada Uganda ee Magaca AMISOM kaga howlgelaya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Muqdisho ka dhacayaan qaraxyo isugu jira miinooyinka dhulka la geliyo iyo weliba bambooyinka gacanta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).