17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Kuweyt iyo Itoobiya oo isku raacay in la dhowro Madax Banaanida iyo Midnimada Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 13, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Ra’iisal wasaaraha Dalka Kuweyt Sheekh Naasir Al-Maxamed Al-Axmed Al-Sabaax oo kulan ku yeeshay magaalada Kuweyt ee Dalka Kuweyt ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labadooda dal iyo arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Kuweyt ee KUNA ayaa sheegtay in labada mas’uul ay isla soo qaadeen in la dhowro Madax Bannaanida iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo soo af-jari lahaa dhibaatooyinka ka taagan Dalka Soomaaliya.

Labada Mas’uul waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimo ku saabsan Qaaradda Afrika, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay in xalka mushkiladaha Gobolka ka taagan lagu raadiyo qaab nabadeed..

Intaas kadib waxay Ra’iisal Wasaarayaasha labada dowladood ka wada hadleen Xiriirka ka dhaxeeya Dalalka Itoobiya iyo Kuweyt, iyagoo kala saxiixday heshiisyo la xiriira horumarinta Dalxiiska, Dhaqanka iyo weliba Dhaqaalaha.

Waa markii ugu horeysay oo ay labada Dowladood si wada jir ah uga hadlaan Arrimaha Dalka Soomaaliya, isla markaana ay caddeeyaan in loo baahan yahay in la difaaco madax bannaanida iyo Midnimada Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Hadalka ay labadan Ra’iisal Wasaare ka soo saareen Arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Dalka Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, kuwaasi oo gacan siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dagaal la gashay maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, haatanna dadaal ugu jirta in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya ka jirtay dhowr iyo toban sano ka hor.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).