16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ku heshiiyay in ay la dagaalamaan Argagixisada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 13, 2007(HOL): Madax ka socota Wadadmada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay Dalka Jabuuti ayaa waxay gunaanadkii shirkooda isla guddoonsadeen in ay la dagaalamaan waxa loogu yeero argagixisada.

Kulankan ay isugu yimaadeen madaxda ka socotay Urur Goboleedka IGAD oo ay si goob-joogayaal ah ugu qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Wadamada Reer Galbeedka qaarkood, kuwaasi oo u ballanqaaday Wadamada IGAD in ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca dhaqaalaha.



D
owladda Jabuuti oo uu dalkeeda ku yaalo saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo qaabilsan la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika ayaa waxay sheegtay in Gobolka Geeska Afrika ay soo food saari karto khatar ka imaaneysa argagixisada, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in loo guntado sidii loola dagaalami lahaa kooxaha argagixisada.

Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban 7 Dowladood ayaa waxaa dhawaan in ay ka baxday shaacisay Dowladda Eritrea oo iyadu ka carootay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ka dagaalamay gudaha Dalka Soomaaliya iyo sida aaney Dalalka Afrika ugu damqan dhibaatooyin ay Ciidamada Itoobiyaanka ah geysteen Soomaaliya.

Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban Wadamada Itoobiya, Kenya, Somalia, Jabuti, Sudan, Uganda, iyo Eritrea ayaa u muuqda mid aan wax muuqda ka qaban dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Geeska Afrika, waxaana mar kasta la maqlaa shirar ay leeyihiin Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda oo shirar maalin ama labo maalmood ah yeeshay, kadibna soo saaray heshiisyo aan qodobadooda gadaal loo sii raacin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).