16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Xaaladda Magaalada Kismaayo oo kacsan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 13, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay magaaladaas ahayd xalay iyo saakay mid kacsan oo mararka qaarkood rasaas laga maqlayay.

Xaaladda Magaalada ayaa ah  mid aad u cakiran, waxayna dadku sheegayaan  in ay xili kasta dhici karaan dagaallo u dhaxeeya labadii dhinac ee dhawaan ku dagaalamay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Dad Xog-ogaal ah oo  ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegeen in saansaan colaadeed saakay laga dareemayo deegaannada Buulo-guduud iyo Madhamaato halkaasoo ay ku kala sugan yihiin labada dhinac ciidammadooda, waxaana wararku sheegayaan in la hakiyay socodka gawaarida u kala gooshi jirtay Kismaayo iyo deegaannada kale ee Gobolkaas.

Xiisadda ka oogan magaalada Kismaayo ayaa waxay salka ku heysaa ciidamo ka wada tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beelo u kala saftay, kuwaasi oo dagaal dhexmaray uu sababay in magaalada laga saaro Ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Ciidamada Koowaad ee Dowladda Federaalka Col. C/risaaq Af-gaduud.

Si loo xaliyo xiisadda ka dhex oogantay labadaas ciidan ayaa waxaa magaalada Kismaayo tegay Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), hayeeshee waxaa muuqata in wafdigii Kismaayo tegay oo Muqdihso dib ugu laabtay uusan        soo dhameynin xiisadda ka dhex oogantay labada Ciidan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay cabsi weyn ka qabaan dagaallo mar kale ka dhaca Kismaayo, iyadoo kooxaha isku haya gacan ku haynta Magaaladana  ay koox walba sheegaynayso in aysan wadin wax colaad ah, balse ay muuqato in colaaddu ay tahay mid labada dhinacba laga wado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).