17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Mid ka mid ah Odayaashii Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowlada Federaalka oo gurigiisa la baaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 11, 2007(HOL):  Afhayeenkii Odayaasha Beelaha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeday siyaasadaha Dowladda Federaalka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa maanta gurigiisa la baaray.

 

Nabaddoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in ay gurigiisa ugu yimaadeen Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo u sheegay in ay gurigiisa ka shakisan yihiin, isla markaana ay baarayaan, wuxuuna caddeeyay in uu ka aqbalay, sidaasna lagu baaray gurigiisa.

 

Nabaddonka waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamadii gurigiisa baaray ay u sheegeen in ay daba taagan yihiin tuhun ah in gurigiisa laga abaabulo qaraxyo beryahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho, taasi oo uu aad ula yaabay. Nabaddoon Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeedo in qaraxyo laga fuliyo magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dhibaatada ugu badan ka soo gaareyso dadka rayidka ah.

 

Baaritaanka lagu sameeyay guriga Nabaddoonka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo lagu sugayo ammaanka, isla markaana hubka lagu uruurinayo.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay guri ku yaala nawaaxiga Suuqa Bakaaraha  ka soo qabteen seddex nin oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulle (Axmed Qare), halka labada nin ee kalena ay kala ahaayeen Guddoomiyihii Degmada Afgooye Xuseen Wehliye Cirfo iyo Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamda Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinkaa.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray raggaas la qabtayna waxay sheegayaan in wadaa hadal kadib la sii daayay, iyadoo aan la ogeyn wixii dhaliyay in markii hore la qabto iyo sida ay ku timid sii deyntooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).