16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay Wadada Wadnaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 11, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ayaa la soo dhoobay Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaana inta u dhaxeysa isgoysyada Bakaaraha iyo Siinaay, iyadoo ciidamadaasna ay baaris ku sameynayaan guryaha u dhow Wadada Wadnaha iyo weliba gaadiidka isticmaala wadadaas.

 

Ciidamadan ayaa la soo dhigay Wadada Wadnaha kadib markii ay dhowr meelood oo wadadaas ka mid ah ay qaraxyo ka dhaceen, kuwaasi oo qaarkood lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka. Wadada Wadnaha kaliya ayaa waxaa ka dhacay ilaa afar qarax oo qaarkood ay wax ku noqdeen dad rayid ah.

 

Ciidammadaan ayaa waxay galeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasoo ay haatan ku sugan yihiin, waxaana waddooyinka waa weyn ee bakaaraha ku jira ciidammadaas qaar ka mid ah, iyadoo agagaarka shirkadaha waaweyn ee Isgaarsiinta iyo kuwa kale ee Xawaaladaha ay si weyn u buuxaan ciidammadaas.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay wadaan baaritaanno la xiriira hub la sheegay inuu halkaas ku jiro iyo sidoo kale baaritaanno ay ku sameynayaan xaafadaha iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka baarayaan guryaha, balse wararka qaarkood ay sheegayaan inay baarayaan hub.

 

Ciidamadan la soo dhoobay Wadada Wadnaha ayaa waxay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka iyo gaadiidka wadadaas isticmaala, kuwaasi oo ay Ciidamada Itoobiyaanka mararka qaarkood celinayeen. Si kastaba arrintu ha ahaatee, ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa lagu soo daadiyay Wadada Wadnaha kadib markii ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo xiriir ah oo qaarkood lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).