Khamiis,
Taliyaha waxaa uu sheegay in marka ay ciidamadaas tababarka soo dhameystaan, isla markaana la siiyo dhar gaar ah waxay ka howlgeli doonaan Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hortegi doona falalka amni darrrada ah ee ka jira magaalada Muqdisho.
Jen. C/llaahi Cali Cumar waxaa uu sheegay in ciidamadan marka ay ka howlgalaan waddooyinka magaalada Muqdisho is-bedel weyn laga dareemi doono xaaladda ammaanka ee gobolka Banaadir.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee haatan jooga waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku labisan yihiin dhara kala duwan oo dhowr dowladood mucaawino ahaan looga soo helay, waxaadna isgoysyada qaarkood ku arkeysaa Ciidamo ka awada tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadana ku labisan dhar kala nooc ah, taasina waxay keentay in ay dadku kala saari waayaan askarta saxda ah ee Dowladda Federaalka ay leedahay.
Sidoo kalena sababta Labiska gaarka ah loo siinayo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxay tahay iyadoo Labiska ay haatan qabaan uu yahay mid ay cid kasta heli karto, isla markaana ayba horay u dhacday in ay kooxo burcad ah ay labisteen kadibna ay dad ku waxyeeleeyeen.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku sugan Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxay yihiin kuwo aan u dhaqmin sida Askar Dowladeed, Waddooyinka qaarkoodna waxaad ku arkeysaa askar Biibitooyinka Shaaha lagu cabo Qaad isaga cunaya, halka kuwo kalena la arkayo iyagoo gaadiidka BL-ka ah ka qaadanaya lacag aan waxba dhaamin tii ay qaadan jireen Maleeshiyooyinkii Hoggaamiye Kooxeedyada, walow ay si dabacsan darawaliinta u weydiistaan lacagtaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






