Khamiis,
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khliif, Ugaas C/Xakiin Ugaas Maxaad, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo waliba waxgaradka kale oo kulanka si wada jir ah uga wada qeyb-galay ayaa ku sheegay dagaalka ka socda Baar-magoog mid Xaaraan ah kuna soo beegmay xili lagu jiray baadi goobka sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada Beelood.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale la maqlo dagaal ka dhax socda Beelaha wada daga Gudaha Itoobiya Xili ayuu yiri magaalada B/weyn ee Gobalka Hiiraan ay taalo Gogol nabadeed oo ay wadaan Duubabka dhaqanka gobalka, Ugaasku waxaa uu intaa ku daray in dagaal sii socda wax laga faa’iidayo lagu tilmaami karo dad sii dhinta iyo waliba qasaare kale oo dhaca sidaa daraadeed ay haboon tahay in arimaha loo weeciyo dhinaca nabada.
Ugaaska oo ku hadlayay Afka Duubabkii dhaqanka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in dhinacyada is haya meel iska dhigaan dirirta dhaxdooda ah una soo jeestaan kawada qeyb-galka Gogasha wali ka fidsan Gudaha Gobalka.
dhinaca kale Odayaasha dhaqanka Beesha Ciise Mudulood oo kulan ku yeeshay Magaalada B/weyn ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalka ka socda deegaanka Baar-magoog iyaga oo ku eedeeyay dhinaca Beesha Xawaadle in ay iyagu dagaalka Bilaabeen, islamarkaana ay soo dhaweynayaan wada hadal arinta laga galo, lakiin ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca beesha Eedeynta loo soo jeediyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com






