Khamiis,
Cabdi Qeybdiid ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay hub tiro badan oo laga soo qoday Dugsi Qur’aan lagu dhex duugay, kaasi oo ku yaala Xaafadda Mahad Alle ee Degmada Yaaqshiid
Amarradan culus ee ka soo baxaya Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo hub aad u tiro badan ay soo qabteen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Dowladaha Itoobiya iyo Uganda, kaasi oo qaarkiis laga soo saaray guryo ay dad ku nool yihiin, halka hub kale oo badanna laga helay Bakhaarro u dhow Suuqa Cir Toogte ee Bakaaro.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Dadka looga baahan yahay in ay Dowladda Federaalka ku wareejiyaan hubka ay hayaan, isla markaana ay ku gacan siiyaan sidii ay ammanka u sugi lahayd, bacdamaa sida uu yiri dhibaatada Soomaaliya ka taagan mudada dhowr iyo tobanka sano ah uu hubka Aabbe u yahay.
Ugu dambeyntiina, waxaa maalin kasta waddooyinka magaalada Muqdisho lagu arkaa Ciidamo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo Yugaandhees, kuwaasi oo roondooyin nabad sugid ah ku sameynaya waddooyinka magaalada Muqdisho, tiiyoo ay xusid mudan tahay in magaaladiina ay weli ka jiraan falal ammaan darro oo markaasina qaraxyo lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyao kuwa ka socda Dowaladda Itoobiya ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






