16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Maxamed Dheere oo wareejiyay Xilkii Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xilkii Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu ku wareejiyay maamul cusub oo ay Gobolkaas u magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Dheere oo muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta xaflad lagu qabtay magaalada Jowhar, waxaa uu xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Shabeelaha Dhexe ku wareejiyay Maxamed Cumar Deelle oo dhawaan xilkaas loo magacaabay, isagoo dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe-na ugu baaqay in ay maamulka cusub ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqeyn jireen.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle oo isna ka hadlay xafladdii xilka lagula wareejinayay ayaa sheegay in maamulkiisa uu xiriir dhinaca wada shaqeynta ah la yeelan doono maamullada ka dhisan Gobollada Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, wuxuuna caddeeyay in ay wax badan ka qaban doonaan adeegyada ay bulshada u baahan tahay.

Xafladda xilka lagula wareejinayay maamulka cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Salaad Cali Jeelle, Maxamuud Sayid Aadan iyo Mowliid Macaani Maxamuud, kuwaasi oo si weyn ugu faraxsanaa in ay goob joog ka noqdaan xafladda ay xilka iskula wareejinayaan maamulkii hore iyo maamulka cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aan loo magacaabin Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir waxaa uu ka soo horjeeday magacaabis uu Ra’iisal Wasaare Geedi Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in mas’uuliyiinta loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe loo diiday inay tagaan Magaalada Jowhar, si ay u gutaan xilka loo magacaabay, hayeeshee arrintaas waa ay soo dhamaatay sida muuqatana, Maxamed Dheere waxaa loo magacaabay xil kale oo uu ku qanacsan yahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa intii uu ka talinayay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waxaa uu ka dhigay mid ammaan ah oo leh adeegyada ay Bulshada u baahan yihiin, waxaana amniga uu u saamaxay Gobolka Shabeelaha Dhexe uu gaarsiiyay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si KMG ah u deganaato Magaalada Jowhar muddo 9 bilood ah, isla markaana ay halkaas tagaan mas’uuliyiin ka socday Ururro heer Caalami iyo Heer Gobol ah oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).