Talaado, May 08, 2007(HOL): Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in aysan Ciidamadooda Uganda ee howlgalka nabad ilaalinta ah u tegay Magaalada Muqdisho aysan weli helin lacagihii mushaarooyinka ahaa ee uu horay ugu ballanqaaday Midowga Afrika.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Maj. Felix Kulayigye ayaa sheegay in aysan ciidamadooda weli helin waxa lacag ah, marka laga reebo lacagihii ay caadiga u lahaayeen oo ay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda siisay.
Sida lagu caddeeyay heshiis dhexmaray Midowga Afrika iyo Dowladda Uganda waxaa uu askari kasta oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee Muqdisho loo diray uu leeyahay lacag dhan 400$ oo mushaar ah iyo 100$ oo u xarooneysa Dowladda Uganda, halka askarigii dhaawacma inta uu socda Howlgalka Nabad soo celinta Soomaaliya uu isna helayo lacag u dhaxeysa 100.000$ ilaa 150.000$, iyadoo lacagtaas lagu qiimeynayo inta uu dhaawaca la egyahay. Askariga dhinta ayaa isna qoyskiisa waxaa uu helayaa lacag dhan 100.000$.
Midowga Yurub oo horay u ballanqaaday lacagta ku baxeysa Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya loo dirayo ayaa wuxuu bixiyay 15 Milyan oo Eruo, halka Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Norway iyo France ay bixiyeen ballanqaadyo dhaqaale. lama oga in aan lacagtaas la helin iyo in ay iska taalo Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konnare ayaa labo asbuuc ka hor ka sheegay magaalada Kampala oo uu booqasho ku tegay in Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo Soomaaliya loo diro ay u xayiran yihiin dhaqaale la’aan, waxaana dalalkaas ka mid ah Burundi, Nigeria, Malawi iyo Ghana.
Ciidamada ka socda Dowladda Uganda ee magaca Midowga Afrika ku jooga magaalada Muqdisho ayaa waxay isaga jiraan xerooyin iyagoo aan weli wax howlgal ah sameynin, marka laga reebo in ay qarxiyaan miinooyin ku jira goobihii ay ka dhaceen dagaalladii Muqdisho iyo in ay biyo u qeybiyeen dadkii Muqdisho ka barakacay, isla markaana ay daweeyeen dadkii iyana ku dhaawacmay dagaalladii Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






