15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dadka degan Xarumaha iyo Guryaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu amray in ay goobahaas ka guuraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 07, 2007(HOL): Amar ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dadka degan Xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo weliba guryihii ay degaanaayeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay muddo shan maalmood gudahood ah ay uga guuraan.

Amarkan ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qoraal ahaan saxaafadda loogu qeybiyay ayaa lagu tilmaamay xarumo gaar ah oo ay ka mid yihiin Villa Baydhabo, Gaashaandhigga, Shiirkole, Kuliyadda Jaalle Siyaad, Taliska Qeybta 77, Guul-wadayaasha, Guryihii Saraakiisha Xero Ruush, Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo weliba guryihii Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Amarkan ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku saxiixnaa Taliyaha Taliskaas Sareeye Guuto C/llaahi Cali Cumar ayaa waxaa looga digay dadka degan xarumahaas in ay ka dhego adeygaan amarka la faray, iyadoo ciddii dhegaha ka fureysata amarkan-na tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waa sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waa Taliskii labaad oo soo saaraya Qoraal amar ah oo ku socda dadka degan guryihii Ciidamada Soomaaliyeed, waxaana dhawaan amar midkan la mid ah soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo isna muddo gaaban u qabtay dadka degan xarumihii iyo guryihii ay lahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, waxaa isa soo tareysa cabasho ka soo baxeysa dad gacansato ah oo uu maamulka Gobolka Banaadir amar ku siiyay in ay ka guuraan hareeraha waddooyinka oo ay ku ganacsan jireen, kuwaasi oo haatan ka codsanaya maamulka Gobolka Banaadir in uu u sameeyo meel ay ku ganacsadaan, bacdamaa ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jireen meelaha laga raray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).