Isniin, May 07, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf gaaray in ay iska been abuurtaan, isla markaana ay u kala dhuuntaan la kulanka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khilaafka Odayaashan soo kala dhexgalay ayaa wuxuu banaanka u soo baxay kadib markii shalay qaar ka mid ah Odayaasha Hawiye ay kulan la qaateen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, halka qaar kale oo aan kulanka ka qeybgelinna ay sheegeen in kulankaas uu ahaa mid aan loo dhameyn.
Guddoomiyaha Guddigii Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha Hawiye, wuxuuna caddeeyay in uu khilaafkaas yimid kadib markii la isku af-garan waayay in Odayaasha la kulmaya mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka lagu daro Odayaal kale oo iyana ka soo jeeda Beesha Hawiye.
Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu sheegay in ay ka been abuurteen Odayaal shalay la kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, kuwaasi oo uu sheegay in ay xanuun ku sheegeen isagoo caafimaad qaba, sidoo kalena mas’uuliyiinta Dowladda ay u gudbiyeen qoraal uu ku saxiixan yahay oo uusan ka warqabin.
Guddoomiyaha Guddigii Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo wax laga weydiiyay in khilaafka soo kala dhexgalay Odayaasha Beesha Hawiye uu keeni karo burbur ku yimaada Guddigii Odayaashaas ayaa waxaa uu sheegay in markii horeba aanan Odayaasha Beesha Hawiye la dooran, balse ay ka dhasheen xiisadihii Colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa wuxuu soo baxayaa kadib markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee u dhaxeeyay Kooxo Wax iska Caabin ah oo ay u hadli jireen Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






